Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 06 2008
Duqeyda Hiiraan iyo Duqa Beledweyne oo Isku Khilaafay Canshuur Qaadis
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 06 August 2008

Beledweyne,(insidesomalia.org)- Duqa Magaalada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Garooso) oo ka mid ah xubnaha fara ku tiriska ah ee ka haray Maamulkii Gobalka Hiiraan ayaa dhawaan ka sheegay qalabka warbaahinta in dib loo bilaabi doono howlihii Cashuur uruurinta, isaga oo intaa ku daray in dhinaca kale la dhisi doono Ciidamo Madani ah oo qeyb ka qaata sugida Nabad-galyada Magaalada.

 

Laakiin kulan maanta ay yeesheen Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan ayaa lagu sheegay in aysan munaasab aheyn xiligan qaadista Cashuurta uu ka dhawaajiyay Duqa Magaalada, maadaama sida ay hadalka u dhigeen Odayaasha dhaqanka lagu mashquulsan yahay sidii salka loogu dhigi lahaa Nabad-galyada.

 

Sidoo kale waxaa ay Odayaashu intaa ku dareen in Canshuur la qaadaa ay ka horeyso in marka hore laga fekaro arimo dhowr ah Dad Maanta aan xitaa la damaanad qaadin karin ugu yaraan Nabad galyadooda guud ma cada sida loo weydiin karo Cashuur iyo wax la mid ah ayeey sheegeen Odayaasha oo intaa ku daray in marka hore loo baahan yahay dhismaha Ciidamo laysku haleyn karo dhinaca Nabad-galyada.

 

Sidoo kale hadalka ka soo yeeray Duqa Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku gacanseyray qaar ka mid ah Ganagsatada oo sheegay in wax lala yaabo tahay hadalka ka soo yeeray Duqa Magaalada xilli aynu ka fakareyno sidii aynu ammaan ugu hali laheyn hantida noo taala.

 

Sikastaba arrintu ha ahaatee, inta badan Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada iyo Xubno horay uga tirsanaa Maamulkii Canshuuraha Gobalka ayaa qabaa in kaliya Canshuur la bilaabi karo marka la helo maamul dhisan isla markaana gacanta ku haya Nabad-galyada guud, waxaana xusid mudan in lays-weydiinayo cidda qaadaneysa lacagta ka soo xaruuta  Canshuurta mar haddii Ciidamada kaliya ee ammaanka gacanta ku haya yihiin kuwa Itoobiya.

 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >